• silsilad online

  • online chet

  • voe news

    voa
  • magac
  • quran2
  • radio Xamuure

  • jaalesiyaad

    maxamed
  • boqorka

    boqor
  • xajka

    xajka
  • fanka1
  • heshiiskii-bada
  • kitaab
  • Marwo Zahra Abdi Hersi (Netherland)

    wadaniyaadsahro1
  • hiv1
  • mujaahidiin-alshabaab
  • breaking-news4
  • Somali Concert

Jeelka laascaanood oo saaka Is rasaasayni ka dhacday iyo sidii wax u dheceen

Jeelka magaalada laascaanood oo ay ku xidhanyihiin shacab tiro badan oo reer laascaanood ah oo aan waxba galabsan ayaa waxaa saaka subaxnimadii hore ka dhacay iska hor imaad dhex maray mid ka mida Horjoogayaasha Jeelka iyo Maleeshiyo beeleed Habar jeclo ah oo iyagu ilaalo xoog leh ka haya Jeelka.

Iska hor imaadkan ayaa dhacay ka dib markii saqdii dhexe ee xalay ay maleeshiyado beeleedkan habar jeclo oo in dhowaalaba jeelka ka hayay ilaalo ay gooyeen albaabkii ama kadinkii jeelka, iyagoo ku gooyay kaarikooyin ama lowdhadh dhagax ah oo ay ku tuumiyeen albaabka hore ee jeelka.

Subaxnimadii markay ahayd ayaa waxaa halkaas yimid Kuxigeenka Ninka jeelka horjoogaha ka ah oo ka soo jeeda deegaanka isaga oo markii uu maleeshiyo beeleedkan ka soo jeeda Bariga Burco su’aalay sababta ay ku gooyeen kadinkii jeelka ay ugu jawaabeen qori dabadii oo ay la dheceen.

intaas ka dib ayaa waxaa meesha dib ugu soo laabtay Taliye Xigeenkii Jeelka iyo Taliyihiisii oo labaduba deegaanka ka soo jeeda iyada oo markii ay ku soo dhowaayeenna ciidankan xooga ku qabsaday jeelka ay ku amreen inay joogaan oo aanay hore ugu soo gudbin, iyada oo markaas uu xabad ku riday Ninkii markii hore laga soo eryaday meesha ee ay sida xun ugu garaaceen qoriga dabadiisa, iyadoo maleeshiyadanina ugu jawaabtay xub xoogan oo laga maqlayay dhamaan xaafadaha magaalada laascaanood.

dhacdadan ayaa ah tii labaad ee maleeshiyadan ka soo jeeda beesha habar jeclo ay sidan xoog ugu qabsadaan jeelka magaalada laascaanood, isla markaasna ay weerar ugu qaadaan niman sheeganaya mas’uuliyiin u shaqeeya Maamulka Dirta waqooyi ee Ina Riyaale, iyadoo dhacdadii tan ka horaysay ee la nooca ahayd ay maleeshiyadani kula kacday Horgale Xaabsade iyo Xasoowe Xasan Bisaas oo ku magacaaban Wasiirka Cadaalada ee ina Riyaale xili ay kormeer ku marayeen jeelkaas shacabka aan waxba galabsan cadaalad darada loogu haysto

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.