Sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay asaaskii maamulka Sool,Sanaag iyo Cayn SSC, oo ku beegnayd 16/10/2010 ayaa si wacan loogu dabbaal dagey dhamaan daafaha iyo dacalada aduuka. Waxaa ka mid ahay meelaha laga muujiyey farxadda iyo xusiida maamuuska maalintaa wadanka Australia gaar ahaan magaalada Brisbne ee gobolka Queenland.
Waxaa halkaa khudbad ka soo jeediyey af hayeenka Jaaliyadda SSC ee Queensland, Abdi Farah Goohe, oo isagu dadkii halkaa isugu yimi u faaqiday SSC waxay ay tahay, taariikhdeeda iyo ahdaafta ay damacsantahay mustaqbalka. Waxaa si wacan u soo camiray xafladdaas madax iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda wadanka, caaqillo iyo odayaal ka kala socda jaaliyadda Somalida, ururada haweenka iyo dhaliyaro fara badan oo halkaa ku soo bandhigay shacaa’ir fara badan.
Waxaa ka mid ahaa waxgaradkii ka qayb qaatay xafladdaas:
Dr Maxamed Darmaan,
Dr maxamuud Cali Darwiish
cali Gaagaale iyo
Xuseen cali axmed.
Xagga fanka waxaa si culus uga qayb qaatay fannaanka wey ee Australia iyo caalamkoodhan laga yaqaan ee abdinur ismaaciil balayax iyo Farxaan C/L (Ilka case). iyo “RIYAL JAMAC” .
Waxaa halkaa lagu soo bandhigay ciyaaraha jaaliyadda SSC ay caanka ku tahay qaar ka mid ah sida jaandheerta.
Xagga qabanqaabada waxaa dhabarka u ritay
Abdisalaan m xandulle …. Salanoo
Axmed xassan xuseen – uurcadde
Mowliid Cabdilaahi Diiriye
Cabdi baaruud
Cabdi kariim – Suley
Aamina saleebaan dhaan-gowrac
Layla m Abuukar
Xaawo ciise dhalac
Saxarla maxadem Darmaan.
Jaaliyadda SSC ee Brisbane QLD waxay u mahad celinayaan dhammaan dadkii ka qayb qaatay samaynta xafladdaas gaar ahaan dadkii uga kala yimi gobolada fog fog ee wadanka Australia.
Waxayna Salaan u dirayaa dhamaan soomaali weyn hanbalyo gaar ahaanna shacabka SSC meel walba ha joogaane:
Sannad guura wacan
Samo iyo barwaaqo
Rabbi haynagu simo
wariye samiir
samiir252@hotmail.com
Filed under: 1




































