Xaflad si weyn loo soo agaasimey ayaa habeenimadii sabtidii lagu qabtay magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen, xafladan oo ahayd mid loogu talo galay dabaal dega sanad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Dhidibada loo taagay Hogaanka Badbaada iyo Mideynta SSC Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay Boqolaal dad Somaaliyeed ah,waxaa sidoo kale halkaas marti sharaftii joogtay ka mid ahaa dad ka tirsan dawladda dalka Yemen oo marto sharafta ka mid ahaa,
Sidoo kale waxaa xaflada qayb ka ahaa Fanaan ka soo jeeda deegaanka Awdaland, kaasoo ka soo bandhigay Heeso wadan ah oo ka turjumaya Midnimada umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa xaflada dadkii goob jooga ka ahaa ka mid ahaa qusulka safaarada Soomaalida ee dalkaasi Mudane C/Laahi Cabaase Gelle oo ka soo jeeda deeganada SSC, Qusulka ayaa ahaa fududeeyihii xaflada asagoo ka soo dhameeyey dawladda Yemen waraaqda ruqsada ah ee shirarka loogu talo galay.
Xafladan oo ahayd mid si weyn u agaasiman waxaa halkaas, ka hadlay Soomaali aad u tiro badan, kuwaasoo dhamaatood qiray in Soomaalinimada Asalka ahi ay tahay teey unkeen Reer SSC, islamarkaan ay tahay in Soomaalida kale ay kaga dayadaan Midnimo jacaylka iyo Soomaalinimada oo kaga weyn waxkastaba.
Isku soo wada duubo xaflada ayaa ku soo gebo geboowdey jewi waaagsan iyo farxad weyn, waxaaana halkaas ka muuqanayey Midnimo iyo garcaylk u dhexeeya Umadda SSSC. ee Soomaaliyeed,
C/Raxmaan Ahmbed Waraabe Dheere,
Dhubad12@hotmail.com
Sanca, Yemen.
Filed under: 1




































