• silsilad online

  • online chet

  • voe news

    voa
  • magac
  • quran2
  • radio Xamuure

  • jaalesiyaad

    maxamed
  • boqorka

    boqor
  • xajka

    xajka
  • fanka1
  • heshiiskii-bada
  • kitaab
  • Marwo Zahra Abdi Hersi (Netherland)

    wadaniyaadsahro1
  • hiv1
  • mujaahidiin-alshabaab
  • breaking-news4
  • Somali Concert

radio silsilad

Shabakada war bahinta silsilad taleex somalia

Daar ilaalo, Silsilad, Falaat, & qudbiyada jooga dheer ee in badan qofka arkaa iswaydiinayo injineeradii xiligaasi joogay ee dhisay dhismayaasha yaabka leh kulliyada ama jaamacada ayka soo qalin jabiyeen halka ayku taalo.Waa goobaha taariikhda ah e lagu xasuusto halgankii iyo difaacii xoriyadoonka dadkii dagaanka ku dhaqan u galeen sidii ay u tuuri lahaayeen reeryada gumeystihii ingiriiska ee dalka ku yimid waqooyiga Somalia Juqraafi ahaan degmada Talaeex ee caasimadii daraawiisheed waxay dhacdaa dooxada ugaal godan galbeedka iyo dhinaca waqooyina waxaa kaabiga kusoo haya dhul cawseed mamaca ee soolal loo yaqaan ee geedka galoolka layidhaahdo caankaku ah duurka iyo geed cawseedka noocyadiisa kala duwanina ay iyaguna yihiin kuwa sii bilaya muuqaalka yaabka leh ee soolasha

Soolku waa dhul joogiisu aad u sareeyo isla mar ahaantaana caro san ah,haseyeeshee ciidiisa bataaxda ahi aaney biyaha qabsan xilli roobaadka sidoo kalena waxaa soolasha aad ugu yar ceelasha qodaalka ah ee xoolaha iy dadkuba ka cabaan.Soolku waadhul ku wanaagsan dhaqashada guud ahaanba mawaashiga la dhaqdo noocyadiisa kala duwan,geel ,lo, iyo adhiba

Nugaal waa dooxooyin kaabiga isku haya oo meelaha qaar rabi dhextaal uga dhigey,buuro aanu joogoodu sidaasi usii dheerayn iyoweliba jeexyo biyo mareen ah iyo durduro aan gu, iyo jiilaaltoona biyo beelin, geed hoosaadka iyo cawskaba waa ku qani dooxada nugaaleed.Nugaal sida magaceedaba ku cad waa dooxooyin aad ugu nugul dhibcda roobka oo hadiiba roob yari qabto durbadiiba baadka iyo geeduhaba ka soo baxaan, sidoo kalena u nugul jiilalada sii daba dheeraada,geedaha sare iyo geed cawsaadkaka baxa dooxada nugaal ayaa raga dhaqashada xoolaha aqoonta durugsan u lihi ku tilmaamaan iney yihiin kuwo uga tayo iyo waxtarba roon xoolaha geedahadhulalka kale ka baxa ciideeda oo macaadin badan ku jirto awgeed.Sidoo kalena geedka daranta loo yooqaan oo ah geedaha cusbada ama milixda leh ee aan xoolaha looga maarmin in sanadkiiba mar loo daaqgeeyo siiba geela ayaa dhul baaxad weyn ku fadhiya oo taagooyinka nugaaleed ah ka baxa.

Mawaashiga cadka iyo caanaha loo dhaqdo ka sokow nugaali waxay sabo ay si wanaagsan ugu dhaqmaan u tahay gamaanka fardood oo run ahaantii la odhan karo waxay ka mid aheydsababaha darwiishkii u doortey nugaal iney noqoto halka ay ka bilaabaan halgankoodii hubeysnaa ee isticmaarkii ingiriis lagala hor tegey . Deegaanka nugaaleed ee taleex ku taalowaxa ay sidoo kale si weyn u marti gelisaa hoy iyo hantina ay u tahay ugaadha noocyadeeda kal duwan,inkastoo xiliyo dhexe ay ku sigteen iney ka dabar go,aan deegaanadaasi abaaro is xigey oo sii dabadheeraadey awgeed,waxaadse moodaa sanadahan danbe iney si weyn ugu soo noqoneyso ugaadhii iskaga haajirtey dooxada nugaaleed,deerada ayaa iydoo raxan raxan uwada socota markiiba ishu qabaneysaa goodirka biciidka,iyo cawsha ayaa dhif iyo nadir lagu arkaa gobo tirsan,inkastoo xiliyo dhexemuuqoodaba laga quustey,tiro aan sidaasi u badneyn laakiin isasoo taraya oo goroyada ah ayaa iyaguna ku sugan dooxada nugaaleed.

Taleex ama caasimadii xoogagii daraawiisheed waxaa hoos yimaada tuulooyin door ah oo ku kala yaala dhulka oogada ah ee soolasha iyo dooxooyinka nugaaleedba, waxaana kamid ah sarmaanyo, carooleey, xalin,godaalo, gorofley, kalcad iyo qaar kale oo haatan la asaasey Dooxooyinkaugu balaadhan guud ahaanba deegaanka nugaaleed intooda badani waxay dhacaan degmada taariikhiga ah ee taleex .Dhumay,qawlo xalin,intubaa waa doo xooyin aad u balaadhanxiliga barwaaqada ahna tuluda geela ah ee dhex taagan aadan si sahal ah ku arki Karin geedaha kabaxa awgeed.Dooxada Xalin ka so koow dhanka dhaqmaatinka xoolaha waxaa mara dudur biyi hiisu socdaan abaar iyo aaranba taasioo ufududaysay bulshada ku dhaqan tuulada xalin inay beertaan dalaga beeraha noocyadiisa kala gadisan. Xiligii dowladii hore waxaa dooxada xalin laga fuliyay geedka timirta lagubeerayo deegaankaas, waxaana marka aadhalcabaara usoo jirto tuulada xalin meeldheer kaaga muuqanayo geedaha dhaadheer ee timirta baaqigii kaga hadhay

dhowr boqol oo geed deegaan ka xalin oo deegaanka xalin xiligaasi lagu beeray tiro aan badnayn oo geed timireedka ah ayaa wali baaqi kusii ah tuulada xalin.Isku soo wada duuboo deegaanka taleex ee aynu waxyar kaga milic sanayno ayaa marka aad qadar kiiloo mitiro ah usoo jirto degmada taleex oo kutaala dhulbanaana oo dhinaca bariga iyo waqooyigaba ay kaxigaan kuro aan sidaasi usii jog dheerayn ayaa waxaa markiiba sheeda kaaga muuqanayo dhisma yaasha buuraha lamoodo ee saldhigyada adage e milatari oo ahaa dhaqdhaqaaqii daraawiisheed ee mudada 20ka sana ah isticmaarkii ingiriis ka ka waaliyay in uu hoos uga soo dego calo iyo guban.

Xiligii dowladii hore waxaa dooxada xalin laga fuliyay geedka timirta lagubeerayo deegaankaas, waxaana marka aad halcabaara usoo jirto tuulada xalin meeldheer kaaga muuqanayo geedaha dhaadheer ee timirta baaqigii kaga hadhay dhowr boqol oo geed deegaan ka xalin oo deegaanka xalin xiligaasi lagu beeray tiro aan badnayn oo geed timireedka ah ayaa wali baaqi kusii ah tuulada xalin.

Isku soo wada duuboo deegaanka taleex ee aynu waxyar kaga milic sanayno ayaa marka aad qadar kiiloo mitiro ah usoo jirto degmada taleex oo kutaala dhulbanaana oo dhinaca bariga iyo waqooyigaba ay kaxigaan kuro aan sidaasi usii jog dheerayn ayaa waxaa markiiba sheeda kaaga muuqanayo dhisma yaasha buuraha lamoodo ee saldhigyada adage e milatari oo ahaa dhaqdhaqaaqii daraawiisheed ee mudada 20ka sana ah isticmaarkii ingiriis ka ka waaliyay in uu hoos uga soo dego calo iyo guban.

Turkishka waxay ka haluuleen Somalia dhamaadkii 1870 ciidmadoodu ka dib markii Mahdiyintii Sudan bilaabeen muqaawamada ay kaga soo hor jeedeen maamulka Ingiriiska , ayagoo Turkishku garab siinayo Ingiriiska sababtaa awgeed ayay ciidankoodii ugala baxeen Somalia si ay dagaalka Sudan uga qeyb qaataan. Dhamaadkii 1880 ayaa Sudan waxa lagu jabiyay hadhaagii ugu danbeeyay ee Mahdist firxad fara badan oo le Mahdiyiin iyo Sunuusisiyiin ( Muqaawamadii Libiya ee Cumar Al Mukhtaar) ayaa caalamka Islaam u kala qaxay. 1887 markay Ingiriisku heshiisayada yaryar een lahayn wax aqoonsi ah la galeen gancsatada Berbera,Karin, Maydh,Shalcow, Laas Qori iyo Zaylac ay ku tilmaameen heshiisyo Qabaail , ayadoo la wada ogyahay inaan 2 nin oo Cali Siciid ah oo Maydh dagan iyo 2 Sacad Yoonis ah oo Shalacow jooga iyo 4 Muuse Care ah oo Maydh jooga aanay matalin reerkay u saxeexeen heshiiska ee Habar Yoonis ,ama, 9 gancasato oo Habar Jeclo oo Cadan jooga aanay matalin Habar Jeclo ( Fiiri heshiisayada Major Hunter ee lagu magacaabay heshiis qabiil iyo Ingiriis).Waxay Ingiirksu iyo Turkishkaba ka caban jireen bilowgii Isticmaarka xarakada Sanuusi iyo ta Mahdi oo somalia ilaa miyiga ka jirtay oo nimankaas wadaada ah Somalida ku gubaabin jiray inay la dagaalamaan Gaalada . Salaadiinta Sunuusiga iyo Mahdiyiinta aadu soo dhaweeyay 1880-1899kii waxa ka mid ahaa Suldaan Nuur Amaan waagi danbna noqday suldaanka kali ah ee Daraawiishta soo dhaweeyay duulaano fara badna ka qeyb qaatay sida dagaalkii Firdhin oo Dhulbahnate oo gaalo wataan kula hirdameen daraawiishta goobtaas oo ciidanka Ingiiiriska ah oo 350 askari oo Dhulbahnate ah hogaaminayeen:

Waxaa kale oo marka aad taleex dhex istaagtid indhahaaga soo jiidanaya qudbiyada dhaadheer oo inbadan dadka haatan jooga ay is waydiinayaan injineerada dhisay halka ay ka keeneen xoogagii daraawiisheed mar aan wax ka waydiinay taariikh yahanada ku sugan degmada taleex ay noo sheegeen in rag khuburo ah oo samaynta hubka iyo dhismayaasha u qaabil san xooga daraawiisheed ay ku sugnaayeen xarunta daraawiisheed ee taleex kuwaasoo ubadnaa kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka turkkiga oo markaasi kamid ahaa dhanka sanaacada ama farsamada ugu horeeya caalamka.

Hadaynu nahay somali waxa inaga dhaadhacsan in dalka Ingriisku iska yimi awalna somalidu ahayd umad madax banaanayd, se ma ahayn taariikhdu sidaas.Somalidu waxay mar kaste ka soo qaataan Isiticmaarka Gaalka Cad markay ka hadlayaan Isticmaar, waxa se ka horeeyay Isticmaarkii Turkishka oo somalida iyo umada Muslinkaba ula dhaqmi jiray si kaba sii xun gaalada. Abd Al Qadir Pasha oo hogaaminaayay ciidamadii Turkishka ayaa 1867kii Berbera ka taagay calanka Turkishka oo hoos keenay Somalia mustacmarad Turkish empire , 1875kii na ilaa Harar ka taagay calankii Turkishka. Istcimaarka European ka 80 sanadood ayuu somalia ka arimanaayay Isticmaarkii Turkishkana muda intaas leeg ooy ugu dhanabaysay 1884kii Turkishka oo si toos ahugu wareejiyay xeebaa somalia Ingiriiska , waa midh ay somalidu badankood diraasad xumo awgeed ay u hilmaamaan mar kaste.Sarkaalkii ugu horeeyay ee udubka u asla isticmaarka Ingiriiska Walsh, Langton Prendergast, 1889-1912 wuxu buugiisa Under the Flag and Somali Coast Stories si cad uga shekaynayaa siday Turkishku ula shaqeyn jireen Isticmaarka cusub ayagoo soo dhawaynaya , ilaa somalidii manduubka uga ahayd Turkishka magaalada Berbera ay hoos keenayaan Ingiriiska sida Manduubka Turkishka ee Berbera Maxamed Xaaji Sharmaarke Xaaji Saalax oo ahaa manduubkii ugu danbeeyay ee Turkishka magaalada Berbera.

Daar ilaalo oo ah dhismo aad uyaab badan oo dhinaca woqooyiga galbeed kaxiga degmada taleex ayaa ahayd dhismihii halyeeyadii daraawiisheed ka ilbaadin jireen xarakaadka iyo dhaqdhaqaaqa gumaystihiui ingiriiska. Qaababka ay wararka dhiilada colaadeed huwan ay daraawiishi isugu soogudbin jireena waxay ahayd oog dab ah oo laga shido daar ilaalo taasi oo laga arki jiray xarumaha kale ee ay ciidamadii daraawiisheed ku sugnaayeensidaa sina ay isugu soo gurman jireen.

Falaat ( ninkii fakadee franjiga utagoow falaat faaladeeda sheeg sheeg) falaat oo ah dhismihii madaxtooyadii daraawiisheed maamulkooda ugu sareeya ayku arinsan jireen ayaa ah dhisme joogiisu aad udheer yahay dhagaxa ku dhisanina yahay mid aan qof iyo laba toona qaadi Karin (Dhagaxa malxafsani madfaca maceshee maandhoow midka buuran ii keen) ayaa kamid ahayd hees hawleed yadi markii daraawiish dhisayeen xarumo hooda ay siku mada daalin jireen waxaana dhismaha falaat ay fariisin u ahayd Siayid Mohamed cabdule xasan iyo mas uuliyiintii sar sare ee xoogaga daraawiisheed go’aan kasta oo xanbaarsan guluf colaadeed iyo weerar lagalaa bixiyo isticmaarkii ingiriisna meelkasta hajoogee go’aankeeda wuxuu kuso bixi jiray daarta falaad loo yaqaan

Silsilada waa dhismaha ugu baaxada weyn dhisma yaasha daraawiisheed qiyaas ahaan waxay ku fadhidaa dhismaha silsiladu ilaa iyo dhawr boqol oo kiiloo miter oo isku wareega waxana ay ahayd halka saadka iyo hubkaba ay ku kayd san jireen xoogagii daraawiisheed sidoo kalana waxaa dhismaha silsilada ay hoy u ahayd kumanaan duub cadii daraawiisheed ah oo iyagu diyaar iyo heeganba halkaasi ugu ahaa kolka ilaaladii daraawiisheed ay soo arkaan (Timacad) oo ay askartii gumaysigii ingiriiska ee doolka kuyimi dalkooda hooyo.

Qudbiyadan aanu hadaba soo sheegnay oo sadax ah waxaa kukala aasan sayidka aabihii cabdulle xasan iyo hooyadii carro seed magan iyo waliba faraska mida fardihii hogaamiyihii daraaawiishee ee sayid Mohamed cabdulle xasan dadka qaar ayaa waxa ay ku sheegaan farskii sii caanka ahaa dhoodi meer halka qaarna ayidhaah daan waa xiin finiinkii uu sayidku seedigii siiyay.Sikastaba ha ahaatee taleex ama caasimadii dhaq dhaqaaqii daraa wiisheed waa goob xanbaar san astaamihii taariikhiga ahaa ee kifaaxa xoriyada Somalia maanta kunaaloo nayso

Abdi Bile (Somali: Cabdi Bille Cabdi,orn December 28, 1962,1996),He was world cup champion in the 1500 m in 1989 and two-time world grand prix final champion.

Muddo 15 sanadood ah maalmulka Hargeysa ma gaarin 45%, Xuduudaha xisaabtanka ku jirta sida Map-ka kore ka muuqata, Qabaa’ilka deegannadaasna taageeri buuxda kama haystaan. Sida Map-ka SomaliLand ka muuqata Goballada Sool, Sanaag iyo Cayn ka soo billow degmooyinka ( Duruksi, Balli-Dhiig, Buuhoodle, Caynabo, Laascaanood, Xuddun, Taleex, Gar-adag, Ceel-Afweyn, Hingalool, Ceerigaabo, Hadaaftimo, Badhan, Laasqoray iyo Ceelaayo), intaasoo dhan waa dhul aad u baaxad weyn,qiyaastiina ah 45% baaxadda Map-ka SomaliLand, hadana aan hoos imaan Maamulka Hargeysa, maxaa yeelay Sanaadiiq Doorasho iyo mid aftiba lama geyn aaggaas, ololo doorashadeedna kama dhici, taageero dadweynana kamaheystaan. Deegaanadaas, waxay heysteen maamul iyaga u gaar ah.

BDI BILE ABDI waa ka xiran numabarka 112 wuxuu roday 19931. Noureddine Morceli ALG 3: 34.242. Fermin Cacho ESP 3: 35.563. Abdi BILE SOM 3:35.964. Mohamed Suleiman QAT 3: 36.875. Jim Spivey USA 3: 37.426. Matthew Yates GBR 3: 37.61. Rachid El Basir MAR 3: 37.688. Mohamed Taki MAR 3: 37.76CAREER HIGHLIGHTS: 1500m Gold at 1987 Worlds (result)Men’s 1500m. Final. World Athletics Championships 19871. Abdi Bile SOM 3: 36.802. Jose Luis Gonzalez ESP 3: 38.033. Jim Spivey USA 3: 38.824. Joseph Chesire KEN 3: 39.365. Omer Khalifa SUD 3: 39.816. Jens-Peter Herold GDR 3: 40.147. Mike Hillardt AUS 3: 40.238. Steve Cram GBR 3: 41.19The picture above shows Abdi biding his time towards the back of the field (no. 112) during the final of the 1500m at the 1993 World Championships.

Xalay gelin dhexaadkii miyaan gudub usoo boodaySida nimanka gaadhka ah miyaan gabay ku soojeedayGaraad laawe aadmiga miyaan gees walba u eegayGoonyaha miyaan dayey kufriga ina gabraaraayaGaalkaan gudnayn ee cirradu guudka ka caddaadayAsaad gudaha geedaha ka baxay guri cidla’a moodoOo uu gasiinkiisu yahay neef aan biri gaadhinOo guuldarraystow khamriga gacan togleynaayaGini-gini haddaad qaadataan naari garab taaloGuushiyo hadday doonayaan geelal iyo xooloGaraadkood ba’yow may tagaan goonyihii XaruntaMay nala garaacaan kufriga gocorka laalaadshayMay goobtan joogaan jannaa loo gembiyayaaye.

Somaalidu inkastooy yihiin qawmiyad dhan oo dal madax banaan ku nool hadana waxay ka mid yihiin umadaa aan waxna qorin waxna akhriyin inta badan, oo jecel inay aduunkaba ku maqalaan “sheeko” dhagaana ku maalaan, umad dhan oo kor u dhaaftay 20 million hadana hal abuurkooda qalin fara ku tiris yihiin, somaalidu dhaqan ahaan ama wahsi haka ahaato ama dhaqan haka ahaatee cilmi kaste waxay jecelyiin in isagoo sida BBC u dhurmaya oo codah ay dhagaystaan.Waxad arkaysaa makhaayad magaalo ama waab miyi dadyow fara badan oo jaraaiid hor yaalo hal nina u tebinayo warka inta kale ee garab fadhida ayagoo mid kastaaba akhrisan karo hadna marna isku taxalijyeyn inay iskood u akhristaan ,waxay aad u xiiseeyan “waxan maqlay, ama igu maqaal ah” halkay umadaa aduunkaee hor maray aad u tix galiyaan “wuxu jaraaid heblaayo sheegay ama buug hebel qoray sida” ka dibna qoraal ahaan keydka taariikhida u galo. Aad ayay xataa u yartay qoraaga somali in buugaagtey qoreen somalidu iibsadaan ooy akhristaan.

Qalcadii Taleex iyo Ciidankii u watay Adam Gib isagoo u la socodo Mahdi Cabdulle Xasan oo Daraawiishta ka soo hor jeestay maalimii ugu danbaysay. waa sawir laga qaaday Taleex isla maalintii la qabsaday, Ciidankaas aad arkaysaan waa ciidankii Adan Gib

wariye ahmed yaasiin email silsilad@gmail.com best_taleex@silsilad.4t.com ma TELL: 0025290767932


One Response

  1. runtii waxaad na xusuusiseen taariikhdii iyo halgalnii geesinimada lahaa oo ay Daraawiish hormuudka ka ahayd kagana soo horjeedeen gumaysiga diineed iyo hagardaamada guud ahaan uu leeyahay gumaystuhu.
    runtii aniga aad ayaan ujeclalhay akhriska iyo lasocoshada arimahaas laakiin waxaa ugu adkaata ilaha arimahaas lagasoo xigan karo, tusaale, suugaanta laxiriirta sartii Sayidka ‘Falaad’(ninkii fakadee faranjiga utagow Falaad faaladeeda sheeg sheeg) waxaan raadinayay muddo sanadaa sidaa daraareed waxaan jeclaan lahaa in aan helo il dhow oo aan ka akhrisano si fudud

    mahadsanidiin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.